Animation

TOP NEWS: Imaaraadka Carabta oo War Muhiim ah ka soo Saaray Heshiiska Hodhaca ah ay wada Gaareen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 8:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War ka soo Baxay Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa waxa lagu sheegay in Imaaraadka uu aad usoo dhaweeynaayo Natiijada kasoo baxday Kulankii Abuu Dhabi ku dhexmaray Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka kuwaasi oo ka shirsanaay Xaaladda Colaada Magaalada Galkacyo ee u dhaxeysa Galmudug iyo Puntland.

Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland,Koonfur Galbeed ,Galmudug iyo Hirshabeele oo Mudo ku Shirsanaay Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay isku Raaceen in la Joojiyo Colaada Labada Maamul u dhaxeysa ee Galmudug iyo Puntland Ciidamadana la kala qaado inta laga gaarayo Xal Dhameystiran.

Imaaraadka Carabta wuxuu Bogaadiyay Heshiiskaasi Hordhaca ah oo Dowlada Federaalkana ay Goob joog ka aheyd waxana Imaaradku uu Codsaday in Shacabka Soomaliyed laga joojiyo Dhiiga laga daadinaayo ee Macna darada ah waxaana Imaaradka uu Dowlada iyo Shacabka soomaliyed u Rajeeyay Nabad iyo Baraaro.

Halkaan Hoose ka Aqriso Warka qoraalka ah oo Af Carabi ku Qoran Balse aan Qulaaso kooban ku sameynay.

Warqadaan Weli Imaaradka Ma uusan shaacin Balse si Hoose ayey Nagu soo Gaadhay

heshis-768x282