Animation

TOP NEWS: IGAD oo Digniin Culus AMISOM iyo Dowlada Federaalka Xili laga cabsi qabo Weeraro ay….

no responses
Saturday January 28, 2017 - 7:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Urur goboleedka IGAD ayaa digniin kasoo saaray weerarada Al-shabaab ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay IGAD ayaa lagu Cambaareeyay Weerarkii Bahalnimada ahaa ee Shabaab ay ku qaaday Hotelka Dayax kaasi oo qasaaro kala duwan geestay.

Warka IGAD ka soo baxay waxaa kaloo lagu sheegay in Kooxda Alshabaab ay Maleegayan Weeraro Argagaxisanimo oo ay ka geestaan Gudaha Dalka Soomaliya.

IGAD waxa ay sheegtay in aan la dhayalsan karin qatarta Kooxda Alshabaab ee Marba marka ka dambeysa sii kordheysa.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

“Waxaan ka digeynaa weerarada Shabaab, Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM mar walba waxaa looga baahan yahay in ay sugaan amniga, si looga hortago weerarada Dhagar qabayaasha ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri qoraalka ah ee ka soo baxay IGAD.

Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Taageeraya ee AMISOM ayaa loogu baaqay in ay Muujiyaan Deejignaan dheeri ah oo ku aadan Weerarada Argagaxisada maleegayan.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Federaalka ayey IGAD si gaar ah ugu baaqday in ay xoojiyaan sugitaanka Amniga ayna ka digtoonaadan Weeraro qorsheysan oo Shabaab uga Imaan kara Waqti kasta.

Warka qoraalka ah ee ka soo Baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu dambeyn waxaa lagu sheegay in IGAD ay kordhin doonto Taageerada ay siiso Dowlada Federaalka gaar ahaan Nabad galyada iyo Xasiloonida waxaana IGAD ay shaacisay in ay dooneyso in Soomaliya ay hesho Nabad galyo waarta.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.