Animation

TOP NEWS: Howlgalkii hub ka dhigista saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda oo maanta muqdisho ka bilowday

no responses
Tuesday May 23, 2017 - 2:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Ciidamada howlgalka xasilinta caasimadda muqdisho ayaa maanta magaalada muqdisho ka bilaabay howlgal balaaran oo lagu uruurinaayo hubka noocyadiisa waaweyn.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu ahaay mid lagu uruurinayay hubka nooca dhashiikaha loo yaqaan ee ku rakiban baabuurta dagaalka oo ay wataan saraakiisha ciidamada dowladda.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda soomalia eng cumar cusmaan yariisoow oo ka hadlay howlgalkaan ayaa waxa uu sheegay in qeyb uu ka yahay qorshaha ammaanka caasimadda ee golaha wasiirada ay soo saareen 11-ka bishan may.

”¬†Ciidanka Howlgalka Muqdisho ayaa maanta gawaarida ciidanka saaran ka ururinayey qoryaha dhashiikaha waxaana dadka qoryaha laga uruuriyay ku jira Taliyeyaal ciidan iyadoo la fulinaayo amarkii Golaha Wasiirada ee 11kii May” ayuu yiri wasiir yariisow.

Facebook Comments