Animation

TOP NEWS: Howlgalka Amisom oo Magdhaw Siinaya Dhibanayaasha Soomaliyeed ee waxyeelada ay ka soo gaadhay weeraradda tooska ee ay AMISOM ka geysteen…..

no responses
Tuesday October 11, 2016 - 1:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (The African Union Mission in Somalia (AMISOM) ayaa shalay ku dhawaaqday inay bilaabeen Qaab ay ugu tala-galeen inay magdhow ku siiyaan Khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray weeraradda tooska ee ay AMISOM ka geysteen Somalia.
War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxa AMISOM ee Horumarinta Siyaasadda ee Waaxda Taageeradda Nabadda ee Ururka Midowga Afrika, Jide Okeke ayaa lagu sheegay inay Tallaabadaasi gacan ka geysan doonto sidii loo xoojin lahaa Xiriirka u dhexeeya AMISOM iyo Dadka Deegaanka, waa sida uu hadalka u yiri.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii la soo gebagebeeyey Kulan-shaqo oo bishan 6-dii ilaa 7-dii oo lagu soo bandhigay Dukumentigii ugu dambeeyey ee arrintaasi.
Dukumentigaas ayaa loo gudbiyey Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika (AU)-da ku leeyihiin Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.
Madaxda Midowga Afrika ayaa la filayaa inay Qoraalkaasi soo ansixiyaan Toddobaadyadda soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadda noocani o oay AMISOM ku sheeganayso inay magdhow ku siinayaan dadka Rayidka Soomaalida Eee ay dhibaatadda gaarsiiyeen ayaa ah midi ugu horreysay ee laga taaba-geliyo Qaaradda Afrika.
Dhibanayaasha ay AMISOM dhibaateeyaan ayaa waxaa lagu qiyaasaa Kumnanaan qof, mana kala cadda qaabka ay  AMISOM u bixin doonaan Kharajka Magdhowga ee Khasaarihii ay geysteen.