Animation

TOP NEWS: Guddiga Doorashooyinka oo War ka soo saaray Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug lagu qabtay

no responses
Sunday October 16, 2016 - 5:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu soo dhaweynayaa una hanbalyeynayaa Dowlad Gobaleedka Galmudug oo ku guuleystay in uu soo doorto siddeedii xubnood ee u matalayey Aqalka Saree ee baarlamaanka.

Guddigu waxa uu ku ammaanayaa Galmudug sida uu u soo buuxiyey qoonddadii haweenka ee Aqalka Sare iyadoo siddeedda xubnood ay labo ka mid ah ay yihiin haween.

Guddigu waxaa uu ugu baaqayaa Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo doortaan xubnihii u matalayey Aqalka Sare.

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu ka codsanayaa Dowlad Gobaleedka Jubbaland in uu soo buuxiyo shuruudaha magacaabista Aqalka Sare inta aan laqaban doorashada Aqalka Sare.

Guddigu waxaa uu hoosta ka xariiqayaa in ilaa iyo hadda hannanka doorashada 2016 si habsami ah uu dalka oo dhan uga socdo.

DHAMAAD