Animation

TOP NEWS: Guddiga Doorashooyinka oo Maanta Go’aan Culus ka qaadan Doona Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiska oo Xalay Shaqaaqo ka Abuuray Xarunta Doorashooyinka ee Jowhar

one response
Saturday November 19, 2016 - 8:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in go’aan ka soo saaraan buuqii  iyo shaqaaqadii xalay ka dhalatay doorashadii Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Jidle ee Gugundhabe.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Guddiga doorashada ayaa sheegaya inay u badan tahay in Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga laga saaro tartanka doorashada, kaddib markii uu rabshad ka dhaliyay goobtii ay ka socotay doorashada.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale dib u dhigi doona doorashada kursigan aqalka Hoose, inta laga gaarayo xal, waxaana ay u magacaabi doonaan Guddi.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Xasan Nuux ayaa wareegii koowaad looga cod badiyay, isagoo helay 21 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Nuur Timacade uu helay 24 cod.

Wasiir Nuux ayaa markii uu xaqiiqsaday in looga adkaanayo hadii uu tartamo wareega labaad waxaa uu kiciyay buuq, isagoo ka baxay hoolka, isla markaana dad taageersan ay damiyeen korontada, waxaana kadib bilowday buuq iyo gacan ka hadal dhex maray ergada labada dhinac taageersaneyd.

Ilaalada Wasiirka ayaa lagu eedeeyay inay rasaasta bilaabeen, markii laga kala dareeray xarunta doorashada, isla markaana ergooyinka ay ka sii baxayeen hoolka doorashada.

Guddiga Doorashooyinka ayaa Maanta laga sugaaya in Go’aan Cad ay ka soo saaraan Shaqaaqadii Xalay ka dhacday Magaalada Jowhar Iyadoona Wasiir Nuux laga yaabo in Gabi ahaanba laga saaro Musharixiinta Aqalka Hoose u tartameysa.