Animation

TOP NEWS: Guddiga Doorashooyinka Dadban oo War Cusub ka soo saaray Halka lagu qabaanyo Doorashada Labada Aqal ee Xubnaha Soomaliland

no responses
Thursday November 17, 2016 - 5:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa Maanta shaaciyay halka lagu dooranayo Xubnaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Somaliland ka soo galaya Baarlamaanka Soo socda.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Abuukaate Cumar dhageey oo Saxafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Madasha Wada-tashiga Qaran ay hadda Gacanta ku hayaan Xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland ka imaanaya islamarkaana ay Goor dhaw Shaacin doonaan.

Abuukaate Cumar dhageey Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Ee Dadban ayaa sidoo kale sheegay in Xubnaha Aqalka Hoose ee iyaguna ka imaanaya Somaliland lagu dooran doono Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa Xusay in Doorashadu ay ku dhaceyso Xilligii loo qabtay oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku imaanaya.

Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa horay isugu raacay in 30 Bishaan ay dhaceyso Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya,waxaana hadda muuqata inuu dib u dhac ku imaan karo,maadaama Doorashdii Aqalka Hoose aysan weli soo dhameystirmin.