Animation

TOP NEWS: Goormee ayey Dhaceysa Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Jubbaland Maxaase Guud ahaan ka Cusub Arimaha…..

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 3:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Baarlamaanka maamul golbeedka Jubbaland ayaa maanta bilaabay dhageysiga khudbadaha xubnaha u tartamaya in maamulka ay u matalaan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Guddiga doorashada, ayaa hore Jubbaland ugu celiyay liis ay soo saareen, ka dib markii sida uu guddigu sheegey waafajin waayeen liiskooda qoondadii dumarka loogu talagalay inay Aqalka Sare ku yeeshaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo Wareysi Siiyay Laanta Afka Soomaliga ee VOA ayaa waxa uu ka hadlay Halka ay mareyso Doorashada lagu kala bixinaayo Xubnaha Aqalka sare ee 8 kursi ah taasin oo Jubbaland uga soo aaday Aqalka sare.