Animation

TOP NEWS: Galmudug oo ku Dhawaaqday Howlgal Sifeeyn ah oo ka Bilaaban doono Deegaanada…..

no responses
Thursday September 15, 2016 - 11:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay Howlgal Culus oo ka dhan ah Alshabaabka ku sugan Deegaanada Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo warbaahinta kula hadlay xarunta ku meel gaarka ah Maamulka Galmudug ee Cadaado ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen Howlgalkii Shabaab looga saari lahaa Shabaab Degmada Xaradheere oo in mudo ah ay gacanta ku hayeen.

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalku uu bilaaban doono maalmaha soo socda, sidoo kalena looga saarayo Shabaab Deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Galmudug ayaa Markaan u dhaqaaqeysa in ay Xoreyso Deegaanadeeda oo Alshabaab ay ku suganyihiin.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Xaashi Carabey