Animation

TOP NEWS: Galmudug oo Ku Dhawaaqday Go’aan la mid ah Kii Puntland ay Horay ugu joojisay Baabuurta Dhanka Koonfur ka Yimaada+Sawirro

no responses
Monday September 5, 2016 - 7:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Galmudug ayaa Maanta Shaaciyay in ay Joojiyeen Gawaarida qaada Ariga iyo Xoolaha kale.

Galmudug ayaa Diiday in Gawaaridaasi u Gudbaan Dhanka Maamulka Puntland madama Dhankooda xireen Xadka labada Dhinac.

Puntland ayaa Horay sidaan oo kale ugu dhawaaqday in ay joojisay Gawaarida ka yimaada Koonfurta Soomaliya waxaana arintaan ay jawaab cad u tahay Maamulka Puntland.

Baabuurta Xamuulka ayaa Malmahan waxaa lagu Celiyaa wuqooyiga Galkacyo waxaana rarka looga dajiyaa Marka ay tagaan Xadka u dhaxeeya Puntland iyo galmudug.

Arintaasi oo Dadka Gobolka Mudug Hadal Hayeen Maalmahan hase yeeshee Galmudug ayaa Qaaday Tolaabo Gawaaridaasi aysan ku Gaareen Waqooyiga Gaalkacyo.

Go’aamadan ay qaateen Labada Maamul ayaa waxaa dhibaato weyn ku qaba Ganacsata iyo Baabuurleyda Maadama aysan u kala gudbi karin Labada Maamul.

Daawo Sawirro Gawaarida Xoolaha qaada oo maanta la Celinaayay

01-3 02-4 03-3 04-2-640x360