Somali News Top News

TOP NEWS: Gabdhaha Jaaliyada Gobolka Hiiraan ee Mareykanka oo Sheegay in aan la aqbali karin in Dowlada ay caburiso rabitaanka Shacabka ku sugan Gobolka Hiiraan+ Warsaxaafadeed

Kulan Jaaliyada Gabdhaha Gobolka Hiiraan ay ku yeesheen Dalka Mareenka ayay uga hadleen Shirarka  looga hadlayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe  Dowlada ay ku doonayso in Goboladaas ay u samayso.

Intii kulanka uu socday waxa lagu soo hadal qaatay sida muhiim ay u tahay  in Dowlada ay tixgaliso rabitaanka  Hogaanka Dhaqanka iyo Shacabka ku nool Gobolka Hiiraan ee ku wajahan in Gobolka loo madaxbaneeyo aayo ka tashigiisa.

Gudoomiyaha  Gabdhaha Jaaliyada Gobolka Hiiraan Qaali Maxamed Maxamuud ayaa  kulanka ka sheegtay in aan wax la aqbali Karin ay tahay  in Dowlada ay caburiso rabitaanka  Shacabka ku sugan Gobolka Hiiraan.

“Waa in marka hore la helaa dib u heshiisiinta Dowlada waxa ay doonaysaa in danaheeda gaar ah mana Ogolaanayaan arintaas dadka reer Hiiraan waxana jira duulaan siyaasadeed oo gobolka Dowladu ay ku qaaday “ sidaa waxa sheegay Gudoomiyaha Jaaliyadda Gabdhaha Gobolka Hiiraan.

Waxa sidoo kale kulankan waxa  lagu sheegay in Dowlada ay hurinayso colaad ka dhacda Gobolkaas oo tusaalle u ah  dagaal ka dhacay qoraxsinka Beledwayne markii Odayaasha qaar ay heshiis la qaateen Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

“Dowlada waa in ay faragalinta qaawan ay ka daysaa dadka ku nool gobolka Hiiraan isla markaana ay ogolaataa in talaabooyinka Hogaanka dhaqanka”  sidaa waxa markale  ka sheegtay kulanka Qaali Maxamed Maxamuud.

Heshiiska Dowlada ay la gaatay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa kulanka la sheegay in uusan waxba ku soo kordhinaynin xaalada hada ka jirta Gobolka Hiiraan oo doonaya in uu noqdo gobol si madax banaan u samaysta Maamulka   dadka raali ay ka yihiin.

Gudoomiyaha Jaaliyada Gabdhaha  Gobolka Hiiraan.

Qaali Maxamed Maxamuud.

Related posts

GOBOLKA MUDUG OO BARAARUGAY GARTAYNA DANTIISII

Tifaftiraha K24

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Qarax saakay lagu dhaawacay.

admin

Wasaarad kamid ah Wasaaraddaha Dowlad goboleed-yada oo Xiriirka u jartay Wasaaradda Dastuurka Federaalka

admin