Somali News Top News

TOP NEWS: Gaas iyo Sharmaarke oo si wada jir ah u booqday Dhaawacyada Ciidamada Puntland + Sawiro

Garowe, March 28, 2016….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo weheliyo Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland, Mudane Cabdweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo Puntland, ayaa maanta booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeelladu ka soo gaartay dagaalkii dhawaan ay la galeen Ciidamadda Puntland kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xariga ka jaray Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT) oo ah mashruuc lagu marumarinayo Isgaarsiinta Gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa mid mid u booqday dhaawacyada oo ku jirey Isbitaalka weyn ee magaalada Garowe, wuxuna ALLE uga baryey in uu Caafimaad siiyo, isagoo tilmaamay kuwa qaba dhaawacyada daran ay dawladdu gacan ka geysan doonto sidii ay u heli lahaayeen caafimaad dibedda ah.

“Waxaad hurteen naftiina qaaliga ah, waan idiin kaga mahad-celinayaa naf-hurnimadiina iyo dhiiranaanta. Shakina iigama jiro in ciidanka geesiyaasha ah ay sharafteenna iyo karaamadeena soo celinayaan Al-shabaabna laga guuleysan doono, EEBBE waxaan idin kaga baryayaa inuu dhaawaca idiin sahlo oo aad dhaqso u bogsataan.” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Cumar askartii dhaawaca ahaa ee uu booqday.

—-DHAMAAD—–

Ahmed-nur Mohamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Garowe, Somalia
media.opm@gmail.com

   IMG_9299 IMG_9330 IMG_9363IMG_9277 IMG_9312

Related posts

Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Tahriib ku ah Liibiya Oo Dalka dib loogu Soo Celinayo.

Ahmed sudani

TOP NEWS: Dhageyso: Guddoonka golaha shacabka oo fariin deg deg ah u diray ra’isul wasaare kheyre iyo magacaabista xukuumadda

Tifaftiraha K24

Senator Sharmaake: Dowladda waa ineey taageerto Go’aanka Xulafada Sucuudiga.

admin

1 comment

Comments are closed.