Animation

TOP NEWS: Fashilkii ugu xumaay oo Maantaa Cadaado ka dhacay iyo Kursi Haweyn ay laheyd oo Xildhibaan Rag ah uu kusoo baxay Xaalada oo Qasan Maxaase Hada Cusub???

no responses
Wednesday November 30, 2016 - 6:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga doorashooyinka ee heer Federaalka ayaa lagu wadaa inuu qaadaco doorashadii maanta ka dhacday degmada Cadaado, kursiga Aqalka Hoose loogu doortay Maxamed Abtidoon Yare,  kaddib markii marin habaabin lagu sameeyay kursigaas oo ahaa xubin Haween.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Guddiga doorashada heer Federaal Cumar Dhagey uu qadka taleefanka kula hadlay Guddiga doorashada Galmudug, kuna amray inay joojiyaan, balse ay ka dhega fureysteen amarkiisa oo ay diideen.

Guddiga doorashada Heer federaal ayaa horay ugu wargeliyay Guddiga doorashada Galmudug in kursiga Beesha Saleebaan/Gaabane uu yahay Kursi haween oo ka mid ah qoondada 30%.

Waxaa lagu wadaa in goor dhow Guddigu soo saaro war saxaafadeed uu ku qaadacayo natiijada doorashada Kursiga Abtidoon Yare

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa ka dambeeyay in la qabto doorashada Kursigan, maadaama uu watay Maxamed Abtidoon Yare, sidoo kale waxaa doorashadan gadaal ka riixeysay Madaxtooyada Soomaaliya.

Abtidoon Yare oo markii hore la ogaa inuu ku guuleysanayo kursigan, maadaama ergada dooratay ay badankood ahaayeen kuwo uu qortay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ergada dooratay Abtidoon ay u badnaayeen kuwo uu isaga xareystaan, isla markaana ergadii dhinacii kale la diiday.

Caasha Xaaji Cilmi oo maalmihii la soo dhaafay u joogtay Cadaado howlaha la xiriiray doorashada Kursigan ayaa isaga soo tagtay, iyadoo dib ugu soo laabatay Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay iyana goor dhow ka soo saarto war saxaafadeed ku aadan marin habaabinta lagu sameeyay Kursigan Aqalka Hoose.

Caasha Xaaji Cilmi ayaa dhaq dhaqaaqda arrimaha bulshada waa Xaaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Saacid, Kursigan ayay ku fadhisay 12-kii sano ee u dambeysay.

Doorashooyinka ka dhacay Cadaado ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu musuq maasuqa badnaa, iyadoo kuraasta qaar lagu sameeyay boob iyo awood sheegasho.

Isha Warka Jowhar.com