Animation

TOP NEWS: Farmaajo oo xilka ka qaaday taliyihii nabad sugidda gobolka banaadir kuna bedel nin ay saaxiibo yihiin Sanbaloolshe

no responses
Monday May 8, 2017 - 11:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweyne maxamadc/llahi farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii nabad sugidda gobolka banaadir Maxamed Xasan Faarax (Faranfar).

Madaxweynaha ayaa xilkaan u magacaabay Col. Saadaq Cumar Xasan oo ahaa Taliyihii Nabadsugida Galmudug.

Wareegto ka soo baxday madaxweyne farmaajo ayaa xilka looga qaaday faran far waxaana lagu bedelay Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaan saadaq john.

Saadaq waa nin qurba joog ah wuxuuna ku noolaay dalka ingariiska isagoona saaxiib dhaw la ah taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka C/llaahi Sanbaloolshe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in C/llaahi Sanbaloolshe uu dalbaday in saadaq john loo magacaabo taliyaha nabad sugidda gobolka banaadir.