Somali News Top News

TOP NEWS: Faah faahin laga helaayo Kooxo Hubeysan oo Weerar ku qaaday Xarun ka mid ah Goobaha ay Dowlada ku qaadeyso Imtixaanka ee Magaalada Muqdisho iyo Ardayda Imtixaanka Galeysay oo…

Wararka aynu ka heleyno Magaalda Muqdisho ayaa waxa ay ku waramayan in Kooxa Hubeysan ay Xalay weerar Culus ku qaadeen Iskuul ku yaala Dagmada Dharkeynleey oo ka mid ah Iskuulada ay dowlada ku qaadeyso Imtixaanadka Mideysan .
Iskuulka Weerarka lagu soo qaaday ayaa waxa lagu Magacaaba Baarbe, waxaana uu ka mid yahay goobaha ay imtixaanaadka mideysan ku qaadayso Wasaaradda Waxbarashada Somaliya, oo amnigoodu ay suggayaan Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Gobolka Banaadir.
Dabley Hubeysan oo Qiyaastii lagu sheegay in ay ahaayen ilaa Lix Ruux ayaa weerarka soo qaaday waxaana ay iska caabin kala kulmeen Ciidamada Ilaalada ka haaya xarunta Dugsiga Baarbe ee Imtixaanka uu ka socdo.
Dagaal Mudo qaatay ayaana la sheegay in uu dhexmaray dableydii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Ilaalada ka haaya xarunta Imtixaanka ay ku qaadeyso Wasaaradda waxbarashada .
Dadka Deegaanka ayaa k24 u sheegay in ay maqlayeen rasaas ay labada dhinac is weydaarsanayen taasi oo socotay Mudo ku dhaw Nus saac .
Dagaalka ayaan la ogeyn qasaaraha labada dhinac soo kala gaaray waxaana Saraakiisha Ciidamda ay sheegen in ay Gacanta ku dhigeen laba Ruux oo ka mid ahaa ilaa lix ruux oo weerarka soo qaaday balse ma jiraan ilo ka madax banaan Saraakiisha oo Xaqijinaya in ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah Dableyda weerarka ku soo qaaday Iskuulka Baarbe ee Dagmada Dharkenley.
Weerarka Xalay lagu qaaday Iskuulkaasi ayaa la sheegay in uu sababay in Arada qaar aysan Saakay Imtixaanka soo xaadirin iyagoo ka baqdin qaba in weerar kale lagu soo qaaday Xarunta ay Imtixaanka ku galayen sidoo kale waxaa jirta in Arday kale oo iyagana Xarumo kale ku galaayay Imtixaanka ay iyaguna baqdin ay soo wajahday.

Related posts

Muxuu RW Cumar Cabdi Rashiid kala kulmay Waqooyiga Gaalkacyo(Sawiro)

admin

TOP NEWS: Dhageyso Soomaliland oo ka qeyb geleysa Doorashada Dadban ee La filaayo in ay qabsooman Dhamaadka Bishaan Hadaba Sidee uga qeyb gali doonta????

Tifaftiraha K24

DAAWO SAWIRRO: Halka uu Maalmo kadib degi doono Obama.

admin