Animation

Top News:- Ergadii shirka wada tashiga Kismaayo oo isku raacay in doorashada lagu saleeyo habka degmooyinka

no responses
Wednesday November 18, 2015 - 8:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Waxaa shalay lagu soo gaba gabeeyey magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee jubbaland shirkii wada tashiga madasha Qaran oo kasoconayey qaarkamid ah magaalooyinka dalka.

Soo xirtaan shirka Kismaayo waxaa ka qayb galay madax ka tirsan Jubbaland,Wafuud kasocota Dowlada Soomaaliya oo uu horkacayey Wasiirka Dastuurka iyo qaybo kamid ah shacabka Kismaayo.

Dadka gaaraya boqol Qof ayaa ra’yigooda ka dhiibtay qaabka ay noqon karto doorashada 2016 la doonayo inay ka dhacdo Soomaaliya ergada ra’yigeeda dhiibanaysay oo matalaysay dadka reer Kismaayo iyo degmooyin ku xeeran ayaa isku raacay in doorashada lagu saleeyo habka degmooyinka.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Maxamed Faarax Darwiish ayaa sheegay inay aad ugu qanceen Bulshada Reer Kismaayo Doodii ay ka yeesheen habka doorashadu udhici karto, waxaa uuna tilmaamay inay aad usoo dhawaynayaan Fikirka shacabka reer Kismaayo.

labo qodob oo kala ahaa in doorashada lagu saleeyo 18 gobolka iyo 92 degmo ee ka horeeyey bur burka iyo waxaa loo yaqaan 4.5 ayey dadku kala dooranayeen midka lagu salayn karo doorashada.

Facebook Comments