Somali News

TOP NEWS: Dowladda soomalia oo soo saartay hab-raaca Visaha ama dal-kugalka Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soo saartey hab-raaca dal-kugalka Soomaaliya

Iyada oo la tix-raacayo sharciga Socdaalka Soomaaliya ayaa hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay soo saartey hab-raaca dal-kugalka iyo hanaanka loo marayo marka qofka ajanabiga ah uu dalka soo galayo, kaas oo ku saleysan sharciga socdaalka Soomaaliya.

Hab-raacaan oo wax badan kala mid ah hanaankii hore isla markaana dal-kugalka laga qaadanayo airporada wuxuu dhaqan geli doonaa 1-da bisha May 2017.

Hab-raaca ay soo saartey Hay’addu wuxuu si cad u qayaxayaa hanaanka soo gelidda dalka iyo talaabooyinka ka horeeya, mana saameyn doono dublamaasiyiinta, shaqaalaha Jimciyadda Qaramada Midoobay, iyo Shaqaalaha Urur goboleedyada, waxaana dhowaan lagu daabici doono Website-ka rasmiga ah ee Hay’adda.

Webside-ka Hay’adda immigration.gov.so

Related posts

Maamulka Hargeysa oo Xabsiga dhigay Boqor buur-madow oo dhawaan kasoo laabtay Puntland

admin

Sawiro: Tartankii cayaaraha ee ka dhacay M Denbosch Dalka Nederland

admin

Guddoomiye Yarisow oo Daah Furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Caasimadda.(Sawirro)

admin