Animation

TOP NEWS: Dowlada Somaliya oo Xaqiijisay in Dagaalyahano iyo Saraakiil Alshabaab ah Lagu dilay Deegaanka…..

no responses
Wednesday October 5, 2016 - 9:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdala Xuseen Cali  ayaa  Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA u xaqiijiyay  in Duleedka Deegaanka NO.50 oo ka Tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose lagu qaarijiyay 14 ka tirsan AL-Shabaab oo isugu jira Dagaalyahano iyo Saraakiil sar sare.

Wasiir Cabdala ayaa sidoo kale sheegay in Dagaalyahanada la qaarijiyay ay qorsheynaayeen in ay Weeraro ka geestaan Deegaana ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose lagana  furtay Hub fara badan ,islamarkaana laga gubay Gaarikagii ay Wateen Kooxdaasi.

Ugu dambeyn Wasiirk ku-xigeenka Difaaca Soomaaliya ayaa Dadka ku dhaqan Deegaankaas ugu Mahadceliyay Sida ay ula shaqeeyeen  Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ,Islamarkaana  ay ugu soo gudbiyeen Xogaha ku saabsan Maleeshiyaadkaasi ka tirsan Alshabaab.