Animation

TOP NEWS: Dowlada Shiinaha oo ku dhawaaqday Go’aan u Muuqda Mid ay kaga qeyb qaadaneyso Dagaalka lagula jiro Alshabaab

no responses
Tuesday November 29, 2016 - 2:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dawladda Shiinaha ayaa ugu deeqday $ 1.2 milyan dhinaca dadaallada nabadda ee Soomaaliya. Deeqdan ayaa la siin doona howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)

Guddoomiyaha Nabadda iyo Ammaanka, Midowga Afrika Smail Chergui, ayaa ku shaaciyay bogiisi twitter ka maalintii Isniintii. ka dib markii heshiiskan ay wada saxiixdeen safiirka matalaya dawlada shiinaha Kuang Weilin.

Dhaqaalahaasi lagu yaboohay Amisom, ayaa loogu talo galay in tababar iyo qalabeyn loogu sameeyo Ciidamada midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.

Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Amisom ay Soomaaliya u joogaan xaqiijinta ammaanka iyo caawinta Dowladda Soomaaliya, ayna muhiim tahay in lagu taageero howlgalkooda.

Dowlada Shiinaha ayaa u muuqata in ay Markaan ka qeyb galeysa Howlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab Maadama ay Dhaqaalo ugu yaboohday Ciidanka Amisom.

china-and-au-1-1-640x360 cyw920iwgaavd2s-jpg-small