Somali News Top News

TOP NEWS: Dowlada Mareykanka oo war kooban ka soo saartay Weerarkii Xalay ka dhacay Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Sh.Hoose

War kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Howlgalkii Xalay ka dhacay Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose ay wada Fuliyeen Ciidankooda iyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Howlgal Qorsheysan ay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah ay ka fuliyeen Degaanka Tooratoorow oo ay Fariisin ku leeyihiin Xarakadda Al-shabaab.

Sargaal u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in Weerarka lagu dilay Saraakiil Shabaab ah islamarkaana qaar kale Nolosha lagu qabtay.

Warka ka soo baxay Dowladda Mareykanka laguma sheegin Tirada lagu dilay Dagaalka Xalay saqdii dhexe ka dhacay Tooratoorow iyo Maxaabiista la hayo inta ay le eg tahay.

Al-shabaab dhankooda sheegtay in Weerar ay ku soo qaadeen Ciidamo mareykan ah,balse ay iska difaaceen oo ay u diideen Hadafkoodii sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa Dhowr jeer Howlgalo ka fuliyey qeybo ka mid ah Gobolada Dalka oo uu ku jiro Gobolka Shabellaha Hoose.

Related posts

DEG DEG: Madaxweynaha oo xilka ka qaadey Taliyihii NISA, Islamarkaana Magacaabay Taliye cusub oo KMG ah+Magaca Taliyaha Cusub

Tifaftiraha K24

Dhagayso: Beelaha Hawiye “Xayiraada la Saaray Gaadiidka Xamuulka ee Gaalkacyo waa Mid lagu Curyaamino Hormarka Ganacsi ee Beesha”.

admin

TOP NEWS: Shaqaalaha iyo Ciidamada QM oo Ol ole Nadaafadeed ka Bilaabay Xarunta Xalane iyo Xeebta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho “Sawiro”

admin