Animation

TOP NEWS: Dowlada Mareykanka oo Si Cad u sheegtay in Duqeyntii Galkacyo ay ku Dileen Ciidamada Galmudug Balse Ay Xog Qaldan ay ka heleen Saraakiisha Puntland

one response
Friday November 11, 2016 - 5:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War ka soo Baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu shaaciyay in Duqeyntii 28-kii bishii September ee sanadkan ay diyaaradaha Mareykanka ka geesteen Magaalada Galkacyo aan lagu Beegsan Alshabaab.

Taliska ayaa shegay in Weerarkaasi uu si qaldan u dhacay islamarkaana Diyaaradaha ay Beegsadeen Ciidamada Galmudug Balse aysan Shabaab weerarkaasi ku dilin.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa daabacday Warka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika.

Mareykanku wuxuu sheegay in Xog qaldan ay Bixiyeen Saraakiisha Maamulka Puntland Weerarkana uu sidaasi ku dhacay.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa horay u sheegtay in Weerarkaasi ay ku dishay 9 ka mid ah Al-shabaab,balse ay wado baaritaan ah in Ciidamada la dilay ay Galmudug yihiin iyo in kale.

Saraakiisha Mareykanka Waxa ay qireen in si qaldan loo Isticmaalay Diyaaradaha Droneska oo Puntland ay Uga faaiideysatay in Xog Qaldan ay siiso Saraakiisha Mareykanka Waxaana Saraakiisha Ciidanka PIS-ta Puntland ee Galkacyo ku sugan ay Xogtaasi ku bxiyeen si loo Beegsado Ciidamada Maamulka Galmuudg oo Cadaawad ay kala dhaxeyso.

Arinkaan ayaa waxa uu Dhabar Jab xoogan ku Noqonaya Wada shaqeynta Mareykanka uu la leeyahay Maamulka Puntland waxaana Mareykanka uu sheegay in uu ka Fiirsan doono in Mar dambo xog Noocaan oo kale ah uu la wadaago Saraakiisha Puntland.