Animation

Top News: Dowlada Kenya oo wadnaha farta ku heysa iyo isbedel dhanka amaanka oo bilowday

no responses
Tuesday September 20, 2016 - 6:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ammaanka deegaanka Mandera ayaa la adkeeyay ka dib markii Xarakada Al-Shabaab weerar qorsheysan ku qabsadaan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo islamarkaana ku dhow soohdinta Kenya.

Guddoomiyaha deegaanka Mandheera Fredrick Shisia ayaa sheegay in laamaha ammaanka Kenya heegan sare la galiyay sababtoo ah xagjiriinta ayaa isticmaalayso dharka ciidamada iyo gaadiidka laga xaday ciidanka Kenya.

Xoogaga Shabaab oo wata gaadiid dagaal nooca ay isticmaalaan ciidamada Kenya ee Amisom qaybta ka ah ayaa weerar qorsheysan ku galay Degmada Ceelwaaq, halkaasi oo ay la wareegen Saldhig ciidamada Xooga dalka Somaliya ay ku lahaayeen Jimcihii la soo dhaafay.

“Waxaan adkeeynay bar-kontoroolada ammaanka ee soohdinta madaama lagu eedeeyay kooxda shabaab inay isticmaalayaan baabuurta ay qabsadeen weerarki El-Adde ee bishii January,” ayuu yiri.