Animation

TOP NEWS: Dowlada Kenya oo Shaacisay Tirada Dagaalyahanada Alshabaab ay uga Dileen Dagaal Isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay Dagmada Afmadoow ee G.Jubbada Hoose???

no responses
Monday October 31, 2016 - 8:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay Dilleen 140 Dagaalame oo Ka tirsan Al-shabaab, Dagaal isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay Degmadda Afmadoow ee Gobolka Jubadda Hoose.

Wargeyska  the Star oo soo Xiganaya Saraakiil Sare oo ka tirsan military-ga Kenya ayaa Qoray in 500 oo Dagaalame oo watay Sideed Gawaaridda Qoryaha Waaweeyn Xambaara ah iyo Afar Gawaaridda Xamuulka ah ayaa isku dayay in ay lawareegeen Afmadoow oo ay ku Sugnaayeen Ciidamadda maamul Goboleedka Jubba Land, Dagaalamaasha Al-shabaab ayaa waxaa lasheegay in ay Weerarkooda ay ku Billaabeen Saldhigga booliiska oo ay kula Dagaalamen Ciidamadda Maamulka jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka Soomalia ka hor intaaysan Soo gaarin Ciidamadda Gaarka ah ee Kenya.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Kenya ayaa ayaa sheegay in ciidamadoodu ay bur-buriyeen labo ka mid  ah Gawaarida Qoryaha Xambaara isla markaana ay halkaas ku dileen Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Sidoo kale saraakiisha Kenya waxaa shaaca ka qaadeen in daagaalka Kadib ay Saraakiisha Kenya kuwa soomaalia Tiriyeen  Maydadka 140 ka tirsan Dagaalamayaashii Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday Afmadoow.

Sheegashadda Kenya ayaa waxaa ay ku soo aadeeysaa iyadoo isbuucyadii udambeeyay deeganadda jubooyinka ay kadhacayeen Dagaalo u dheexeeyayay Ciidamadda Doowladda iyo kuwa Kenya ee Qeeybta ka ah Amisom oo iskaa shanaya iyo Xarakadda Al-shabaaab.