Animation

TOP NEWS: Dowlada Itoobiya oo ku Dhawaaqday Go’an Lama Filaan ku Noqday Howlgalka Amisom ee Soomaliya

3 responses
Monday November 14, 2016 - 10:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidanka dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa la sheegay in ay ka baxayaan howgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM  Jeo Kibet ayaa sheegay in Dowlada Itoobiya ay Go’aansatay in Soomaliya ay kala Baxdo Ciidanka ka joogta ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in ciidanka dowladda Itoobiya ay kaalin ka qaateen la dagaalanka Al-Shabaab hadii ay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya ay banneyn doonaan booska muhiim ah.

Sababta ay ciidanka dowladda Itoobiya uga baxaayaan Somaliya ayaa lagu sheegay in ay tahay dhaqaalo xumo soo wajahday , maadaama ay jiraan ciidanka Itoobiya Qaarkood oo dowladda Itoobiya ay bixiso mushaarkood , islamarkaana uusan bixin midowga Afrika.

Deegaano ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaliya ayey Ciidamada Itoobiya dhawaan Faarujiyeen waxaana Deeganadaasi la wareegay Alshabaab oo Hada Gacanta ku haayay Deegaano badan oo Itoobiyaanka ay Faarujiyeen.