Animation

TOP NEWS: Dowlad kamid ah Wadamada Carabta oo Bixisay Dhaqaalaha Soomaliya uga Baxay Dacwada Badda Waa Dowladee?????

no responses
Monday September 26, 2016 - 2:37 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay Qarashka lagu difaacay Badda Somaliya ee ay qaateen Qareenada Ajaanibta iyo Somalida isugu jira, halka ay ka keentay Dowladda dhexe.

C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay lacagtaasi inay bixisay Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka mid ah Dowladaha taageera Somaliya.

Waxa uu sheegay Imaaraadka Carabta inay Somaliya ugu deeqday Dhaqaalaha Difaaca Badda, Wasaarada Arimaha Dibada Somaliyana ay ka soo qaaday lacagtaasi.

“Wax badan kama maqlin laakiinse waxaan ku jiraa dadka ka shaqeeyay arrintaasi, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lacagta keentay, annaga ayaa lacagta looyarada ka keennay wadamo kale, gaar ahaan waxaan ka keennay wadanka Imaaradka.” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gebeeyay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar.

Dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mahadceliyay taageerada Imaaraadka Carabta ay siiyaan Dowladda Somaliya.

Qareeno Ajaanib iyo Somali isugu jiray ayaa Maxkamada Hague ee dalka Holland ka hor difaacay Badda Somaliya oo Kenya ay isku dayeyso qayb ka mid ah inay qaadato.