Animation

TOP NEWS: Doorasho maanta ka dhacday Kismaayo oo Dood iyo muran dheer kadib looga guuleestay Wasiir hore

no responses
Monday February 6, 2017 - 5:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacday doorasho ku celis ah oo kursigeeda horay ay u diideen guddiga doorashada.

Kursigaan maanta lagu doortay kismaayo waxa uu kamid yahay 5 kursi oo horay loogu celiyay maamul gobolee-yada kadib markii lagu helay musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Doorashadaan ayaa Maalmo ka hor dib loo dhigay kadib markii la sheegay in Musuq Maasuq lagu sameeyay islamarkaana Saddex Wareeg oo Doorashadu dhacday looga Cod badiyay Xildhibaan shaacir,waxaana la sheegay in Codadka uu ku horeeyay Wasiirka Badroolka Maxamed Muqtaar Ibraaahin Balse dib loo dhigay Muran ka dib.

Kursigaan waxaa markale ku guuleestay C/llaahi Maxamed Aadan (Shaacir) oo horayna ugu guuleestay doorashadii dhacday balse ay guddiga ku celiyeen waxaana tani ay ka dhigantahay in dhamaan 5-tii kursi ee doorashadooda lagu celiyay ay kusoo wada baxeen dhamaan xubnihii horay loo diiday.