Animation

TOP NEWS: Doorashada Guddoonka Aqalka sare oo maanta dhaceyso iyo Musharixiinta oo ku jira Ol’olahii ugu dambeeyay

no responses
Sunday January 22, 2017 - 6:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu wadaa in ay ka dhacaan Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaliya waxaana u tartamaya musharixiin Badan.

Doorashada oo saacado akdib ka bilaabaneyso Magaalada Muqdisho ayaa hada waxaan la dareemaya Ol ole xoogan oo ay wadaan Musharixiinta u taagan Guddoonka Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa.

Illaa 16 Musharax ayaa isu soo taagay Qabashada Guddoomiyaha iyo Labada Kuxigeen waxaana Doorashada Maanta ay tahay Mid Xiiso badan Maadama musharixiin badan ay tartamayan.

Doorashada Guddoomiyaha Aqalka sare waxaa u tartamaya ilaa Laba Musharax oo kala ah:

  1. Cabdi Xaashi C/llaahi,
  2. Mustafe Maxamed Qodax

Sidoo kale Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare waxaa u tartameysa ilaa 7 Musharax oo xubno siyaasiyiin hore ay ku jiraan  waxaana ay kala yihiin:

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad waxaa sidoo kale u tartameysa ilaa 7 Musharax kale iyaga halkaan hoose ka Aqriso:

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan

Ciidamada Ammaanka ayaa si aad ah u adkeynaya Goobta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoonka Aqalka sare waxaana Maanta xiran qeybo kamid ah Wadooyinka Magaalada Caasimadda ee Muqdisho.