Animation

TOP NEWS: Dhageyso Xildhibaan Dalxa oo Dowlada Soomaliya ku Eedeeyay in ay Masuul ka tahay Muwaadinin Soomaliyed oo lagu Xukumay wadanka…..

no responses
Sunday September 25, 2016 - 8:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo ay jireen Warar soo baxaaya oo sheegaya in Wadanka Hindiya lagu Xukumay ku dhawaad 119 Muwaadiniin Soomali ah oo lagu eedeeyay Burcad Badeednimo ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Baarlamanka Soomaliya,

Xildhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamanka Soomaliya sidoo kalane ah Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga arimaha Dibadda Baarlamanka soomliya ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay ka gaabisay la socodka Dhalinyaradaas Soomaliyed ee la sheegay in Lagu xukumay wadanka Hindiya oo qaar kamid ah xukun dil ah lagu Riday.

Xildhibaanka ayaa sheegay in guddiga arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya ay dadaal dheeri u gali doonaan in ay wax ka qabtaan xukunka dilka ah ee ay wajahayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Wadanka Hindiya.

Maxkamada ayaa sheegtay in 119 ruux oo loo soo qabtay falal la xiriira burcad badeednimo 50 ka mid ah ay wajahaayaan xukun  dil .

Dowlada Federaalka ayaa ka gaabisay in Dhalinyarada Burcad Badeednimada lagu Eedeynaayo in ay la socoto Xukunada lagu Ridaayo waxaana Muuqata Habacsanaan dhanka Dowlada ah .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Dalxa