Animation

TOP NEWS: Dhageyso Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo Jawaab Kulul ka Bixiyay Wejiga Labaad ee Shirka Jowar oo Madaxweynaha uu Shalay Furay

no responses
Friday September 16, 2016 - 10:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Maalintii Shalay Madaxweyne Xasan Shiikh uu Magaalada Jowhar ka Furay Wejiga Labaad ee Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ayaa waxaa Arintaasi ka soo horjeestay Odayaasha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ilaa iyo hada aysan jirin wax iska bedelay mowqifkooda ay ku diidan yihiin Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Nabadoon Cusmaan C/laahi Cabdi oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay weli in aysan jirin wax iska bedelay mowqifkooda, sidoo kalena ay diidan yihiin Shirkaasi.

Nabad-doonka Waxa uu sheegay in marka hore ay qorsheynayeen in shir dib u heshiisiin ah loo sameeyo Waxgaradka iyo Duubabka Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, blase taasi aysan dhicin oo horey laga guda galay wajiga labaad ee Shirka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka