Animation

TOP NEWS: Dhageyso Wasiirka Arimaha Guda Jubbaland oo Afka Furtay Digniin Culusna u diray Hey’addaha ka shaqeeya Arimaha…..

one response
Saturday November 19, 2016 - 9:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Hay’adda Gar gaarka aysan waxba u qaban bulshada kunool degaanada maamulka Jubbaland.

Wasiir Darwiish wuxuu xusay in ay si dhaw ula Xisaabtami doonan Hey’addaha ka shaqeeya Samafalka oo sheega in Dadka ay Caawiyaan.

Darwiish ayaa sheegay in Dhaqaalihii Beesha Caalamku ay ugu tala gashay Jubbaland aysan weli Gacantooda soo galin wuxuuna xusay in Hey’addaha ay Jeebkooda ku Riteen Lacagihii Samafalka loogu tala galay.

“Waan u sheegnay in Dhaqaalaha Dadka loogu tala galay in Dowlada Jubbaland ay Gacanta usoo Galiyaan si Gargaarka dadkii logu galaya aan u gaarsiino”

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Wasiir Darwiish