Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Wada hadallo u dhaxeeya galmudug iyo ahlu-sunna oo maanta toos uga furmaya muqdisho

Wada hadallo u dhaxeeya maamulka galmudug iyo ahlu-sunna ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada caasimadda ah ee muqdisho.

Kulanka oo socon doona mudo cisho ah ayaa waxa uu ku egyahay 17-ka bishaan iyadoona la filaayo in ay ka soo baxaan qodobo ay labada dhinac ku heshiiyeen.

Dowladda federaalka ayaa garwadeyn ka ah wada hadaladaan lagu dhex dhaxaadinaayo galmudug iyo ahlu-sunna waljamaaca.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaaa ku sugan magaalada muqdisho si ay uga qeyb galaan kulankaan ay dowladda garwadeynka ka tahay.

Maamulka Galmudug waxaa wada hadalada u matalaya madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi maxamad xaashi carabey ahlu-sunna waxaa iyana u matalaya madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayaa dhowaan ku gaaray Cadaado heshiis ku saabsanaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha, lana qabto 30-ka bishan.

Madaxweyne ku xigeenka galmudug maxamad xaashi carabey ayaa warbaahinta uga warbixiyay kulankaan muqdisho ku dhexmari doono galmudug iyo ahlu-sunna.

Halkaan ka dhageyso codka xaashi carabey

Related posts

Dag Dag: Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliyaha Cusub Ee Booliska Gobolka Mudug

admin

Kenya” Hadii la doonaayo in Soomaliya ay Nabad Noqoto Waxaa qasab ah in Beesha Caalamka ay…..

Tifaftiraha K24

Akhriso: Jubbaland oo soo Gudbisay Liiska Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya

Tifaftiraha K24