Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Tarsan oo Afka Furtay Isagoona Banaanka soo dhigay Sirta ka dambeysa Guddiga do……

Iyadoo Dhawaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddigii hore dhaliilo kala duwan loo soo jeediyay, ayaa weli waxaa taagan dhaliisha loo jeedinaayo Guddiga Doorashooyinka.

 
Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” Duqii hore ee Muqdisho, hadana ka mid ah xubnaha Axsaabta Siyaasadeed ku jira ayaa shaki geliyay Madax Banaanida Guddigan Doorashooyinka.

Wuxuu sheegay Guddiga Doorashooyinka weli inay ku jiraan xubno xiriir dhaw la leh Xafiisyada Madaxda sare ee dalka, taasina ay keeni karto Shaki ku yimaado Doorashada.

“Guddiga doorashada sideedaba waxaa loogu talo galay inay ahaadaan guddig dhex dhexaad ah oo dadka ku tartamaya doorashada aanay xiriir la laheen, inkastoo guddiga dhawaan la magacaabay uu sidii hore dhaamo ayaa weli waxaan arkeynaa la taliyeyaashii madaxda sare oo guddiga ku jira, waxay abuureysaa shaki, shacabka kalsoonidiisa waxbay u dhimeysaa, dad doorashada hammi uga jiro dad la taliayeyaal u ah inay soo galaan looguma talo-gelin, dareenkaasi ayaan qabnaa.” Ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa sheegay inay muhiim tahay Guddiga Doorashooyinka inay ka madax banaan yihiin Dad xiriiro dhaw la leh Xafiisyada Madaxda Dowladda Somaliya.

Dhawaan ayaa la filayaa inay dalka ka dhacdo Doorasho, xilli aysan muuqan Diyaargarow ballaaran oo loogu jira qabsoomida Doorashadaasi.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Related posts

Wa side xaalada Dagmada Ceelcade ka dib ku labashadi Ciidamada DF iyo Kenya

admin

Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Waajid

admin

Daawo: Sawirradii ugu Dambeeyay ee laga soo qaaday Magaalada Qandala oo ay la wareegeen Ciidamada Puntland

Tifaftiraha K24