Animation

TOP NEWS: Dhageyso Taliska Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo ka Hadlay sida ay u Xaqiijiyeen Ammaanka Muqdisho Mudadii lagu…..

no responses
Thursday September 15, 2016 - 5:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir oo Ka Hadlay, Sida Hay’adaha Amaanka Dawlada Soomaaliya  ay  u Xajiiyeen Amaanka Caasimadda,   Maadaama Ay Marti-galisay Shir Madaxeedkii  Madaxda  wadamada Ku Bohoobay Urur-Goboleedka IGAD Uga Qabsoomay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

C/Xakiin Fareey  Taliyaha Nabad  Sugidda ee Gobolka Banaadir  oo la Hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa Tilmaamay in Wax Weeyn Laga Badalay  Amaanka Caasimadda Maalmahii La Soo dhaafay,  isagoo Sheegay in Dawladdu ay ku  Guulaysatay sugidda  Amaanka  Madaxda Hogaamiyayaasha Wadamada Ku Bohoobay  Urur-Goboleedka “IGAD”   oo  Mudda  30- sano Ah Ka Dib tan iyo Markii  ay Meesha ay ka Baxda  Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya  ayaa  uga Qabsoomay  Magaalada  Muqdisho  Shir Madaxeedkii  28 Aad ee Urur-Goboleedka “IGAD” .

Taliyaha ayaa  Intaa Ku Daray In Tan Iyo  Mudadii uu socday Shirka ayaan   Jirin  Wax Dhacdooyin ah  ama Lidi Ku ah Amaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Ciidamadu  Waxay Xireen wadooyinka  iyo Goobaha kale Ee Muhiimka u ah  Caasimada  Waxay talaabadaasi  daliil  u tahay, Awooda Ciidamada Qalabka Sida  Ee  Soomaaliyeed  ay U leeyihiin Hanashada Amaanka  Dalkooda, isagoo Aan Ku Tiirsanayn Gacan Shisheeye, Waxaa Meesha Ka Baxay Shakigii  Beesha  caalamka ay ka Muujinayeen  Soomaaliya  Ee  ahaa inaan shirar heer caalami ah oo Noocaan oo kala ah lagu Qaban Karin  Gudaha Dalka”Ayuu Yiri Taliyaha Hay’Adda Nabad-Sugidda ee Gobolka Banaadir Mudane C/Xakiin.

Taliyaha ayaa Sidoo Kale Ku Amaanay Wada Shaqeyntii Dhexmartay Ciidamada iyo Shacabka Isagoo Ku Bogaadiyey In Ciidama iyo Shacabka oo Wada Shaqeeya uu Dalkeena Ku Gaari Karo Isku Filnaansho amni.

“Waa  Talaabo   ay  horay u  qaadeen  Ciidamada Amniga dawladda Iyagoo Taageero Ka Helaya Shacabkooda Taasna ay Kalsooni Galisay in Shacabka Soomaaliyeed  ay  Aamineen  in Hormarka ay Dawladdu gaartay, Isku Filnaansho Amni,  isagoo Ku Amaanay Hay’adaha Amaanka  Dawladda   Dadaalkii ay Sameeyeen  Mudadii uu Socday Shirka, kuna Dhiiri-galiyay Inay Sii Xoojiyaan  Hawlgalada ay Ku  Xaqiijinayaan Amaanka Dalka ” Sidaa Waxaa Yiri Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir C/Xakiin Farey.

Ciidamada Ayaa  Gacanta Ku soo dhigay intii hawl-galada  ay  Socdeen  Tira Dad  ah oo Lala Xariirinayo inay Ka Tirsanyihiin Argagixisada Alshabaab .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Taliyaha