Animation

TOP NEWS: Dhageyso Taliska Booliska Galmudug oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen Nin kufsi u geestay Gabadh 6 Sano jir ah oo….

no responses
Wednesday February 1, 2017 - 7:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka aynu ka heleyno magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka galmudug ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin lagu eedeeyay in uu kufsi u geestay Gabadh da’deeda lagu sheegay 6 sano jir oo ku nool deegaanada galmudug.

Saraakiisha Booliska Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in ninkaan ay usoo gudbiyeen Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad oo habeen hore qabtay.

Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Cadaado Cumar Macalin ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin lagu tuhmaayo in uu geestay kufsi lagula kacay gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay 6 sano jir waxaana kufsigaasi uu ka dhacay deegaanada galmudug.

Gabadhaan 6 sano jirka ah ee kufsiga loo geestay ayaa waxa ay aqoonsatay ninkii fara xumeeyay waxaana la horkeenay 30 nin oo uu ku dhexjiro ninka falkaan lagu soo eedeeyay waxaana gabadhu ay aqoonsatay Ninka kufsaday.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Galmudug wuxuu sheegay in hada ninkaan ay baaritaan ku wadaan uuna ku jiro xabsiga magaalada cadaado.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka

Facebook Comments