Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Tahriibayaal Badan oo Garoonka Muqdisho lagu qabtay iyo Laanta Socdaalka oo sheegtay in…

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka hadashay dhalinyaro soomaaliyeed oo doonayay in ay aadan wadanka masar kana tahriibaan oo saakay lagu qabtay garoonka diyaaradaha aadan cadde ee Magaalda Muqdisho.

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jisiyadaha Soomaaliya Jeneral Gaafow oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in saakay gacanta lagu dhigay ilaa 11 dhalinyaro Soomaaliyed oo qorsheynaayay in ay tagaan Masar ka dibna ay halkaasi Yurub uga sii gudbaan.

General Gaafow ayaa sheegay in hada ay baaris ku socoto dhalinyaradaasi ka dibna maxkamad la horgeyn doono maadama ay naftooda doonayen in ay bada ku haligaan.

Dhawaan waxaa la mamnuucay Bixinta Fiisaha lagu gali jiray Dalka Suudan iyadoona Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ay sheegtay in dadka tahriibaya ay marka hore Suudan sii maraan ka dibna ay masar u gudbaan sidaasi darteed ay u joojiyen bixinta Visaha dalka Suudan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Related posts

Dhageyso:- M/mulka KMG Jubb "Ciidamadda Barre Hiiraale ayaa hortaagan Xoraynta deeganada Shabaab gacantooda ku jira"

admin

Goormee dowladda soomalia qaadeysa imtixaanka mideysan ee dugsiyadda sare ee dalka???

Tifaftiraha K24

TOP NEWS Dhageyso: Puntland miyaa lagu Cadaadiyay In ay Aqbasho 4.5 Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlaya

admin