Animation

TOP NEWS: Dhageyso Soomaliland oo ka qeyb geleysa Doorashada Dadban ee La filaayo in ay qabsooman Dhamaadka Bishaan Hadaba Sidee uga qeyb gali doonta????

3 responses
Monday November 14, 2016 - 11:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay  Wasiirro,Xildhibaanno,Siyaasiin iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolada Waqooyi soomaliya ee la magac baxay Soomaliland waxaana Kulankooda ay kaga hadleen Arimaha Doorashooyinka.

Xubnaha Siyaasiyiinta ah ee Muqdisho ku sugan Islamarkaana kulanka ka qeyb galay ayaa Isku raacay in ay ka qeyb galaan Doorashada Dadban ee la filaayo in Dhamaadka Bishaan ay Muqdisho ka dhacdo.

Siyaasiyiintaan ka soo jeeda Soomaliland oo Maalmihii Ugu Dambeeyay Muqdisho ku Shirsanaay ayaa waxaa ay soo saareen Dhowr Qodob oo ay Sal uga dhigeen in ay ka qeyb galayaan Doorashada Dadban.

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Soomaliland ka soo jeeda ayaa waxa ay Xuseen  in ay Tixgalinayaan Heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Kismaayo lagu gaaray iyo Marxalada kala Guurka ah ee Hadda uu Dalku Marayo.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Somaliland ayaa Tibaaxay in ay Diyaar u yihiin ka qeyb galka Doorashada Dadban ee Soomaliya ka dhaceysa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in go’aankaasi ay u dhan yihiin siyaasiyiinta iyo  waxgaradka ka soo jeeda degaanada maamulka Somaliland.

Ugu Dambeyn Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta  ka soo jeeda Soomaliland ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Dadban in ay Dedejiyaan Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka ka soo galaya Gobolada Waqooyi ee Dalka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

 

sl1 sl2 sl3