Animation

TOP NEWS: Dhageyso Shacabka Muqdisho oo durbaba ay usoo yeertay arin aad u farxad galisay wixii ka dambeeyay doorashada farmaajo

no responses
Friday February 10, 2017 - 9:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Suuqyada magaalada muqdisho waxaa maanta laga dareemaya hoos u dhac xoogan oo ku yimid sarifka lacagta dollarka ah.

Qiimaha shilinka soomaliga ayaa sare u kacay iyadoo lacagta dollarka qiimaheeda uu hoos u dhacay taasi oo ay ku farxeen shacabka danyarta ah ee muqdisho ku nool.

Sababaha keenay in lacagta dollarka ay hoos u dhacdo shilinka soomaligana uu kor kaco ayaa waxaa lagu sheegay doorashadii dalka ka dhacday iyo balan qaadkii uu sameeyay madaxweyne farmaajo oo ku aadaneyd in ciidanka uu mushaarkooda siin doono sidoo kale shaqaalaha dowlada iyaguna mushaarkooda uu siin doono taasi ayaana loo sababeeyay maadama lacag badan oo dollar ah ay dalka soo galeyso shilinka soomaligana uu sare u kici doono.

Mid kamid ah ganacsatada sariflayaasha magaalada muqdisho oo laanta afka soomaliga ee BBC wareysi siiyay ayaa sheegay in rajo wanagsan ay ka qabaan in dollarka uu hoos usii dhaco maalmaha soo socda shilinka soomaligana uu sare u kaco hadii madaxweyne farmaajo uu ka dhabeeyo balan qaadkiisa .

Halkaan ka dhageyso wareysiga