Animation

TOP NEWS: Dhageyso Shabaabkii ugu horeeyay oo maanta isa soo dhiibay kadib doorashadii madaxweyne farmaajo

no responses
Monday February 13, 2017 - 7:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Iyadoo maalmo kooban uu xilka haayo madaxweynaha cusub ee soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo ayaa waxaa isa soo dhiibay qeybtii ugu horeysay maleeshiyo hubeysan oo alshabaab ka tirsan.

Laba dagaalame oo alshabaab ka tirsan oo hubkooda wata ayaa waxa ay isku soo dhiibeen maamulka koonfur galbeed.

Dagaalamayaashan ayaa xiriiro la soo sameeyay ciidamo k/galbeed ka tirsan oo ay heeb garanayan sidaasna uu maamulka uga hortagay oo usoo dhaweeyay.

Taliyaha Booliska Degmada Baydhabo Korneel Mahad C.raxmaan Aadan ayaa sheegay raggan in ay la soo xiriireen Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, sidaasina ay ku suur gashay in ay soo gaaraan Magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay Labadan Dagaalame in ay wateen Hubkooda iyo sidoo kale dareeska Ciidanka, isagoo sidoo kale tilaamay in ay soo dhaweynayaan ragga kale ee Shabaab ka tirsan, si cafis loogu fidiyo.

Ciidankaan isa soo dhiibay waxa ay noqonayan qeybtii ugu horeysay ee ka soo goosatay kooxda alshabaab wixii ka dambeeyay doorashada uu ku guuleestay madaxweyne farmaajo oo aad loo hadal haayo sida uu shabaabka ula tacaamuli doono.

Halkaan ka dhageyso codka taliyaha

Facebook Comments