Animation

TOP NEWS: Dhageyso Sargaalkii Horkacaayay Maleeshiyadii Galmudug kula Dagaalantay Godinlabe oo Isku soo dhiibay Galmudug+Magaciisa

no responses
Friday October 14, 2016 - 12:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Deegaanka Godinlabe ee Gobolka ayaa Waxa ay sheegayan in Ciidanka Galmudug ay la Wareegen Guud ahaan gacan ku heynta Deegaanka oo Maalmihii ugu dambeyay Labada Ciidan ay ku kala sugnaayeen.

Ciidanka Galmudug ayaa la sheegay in hada ku suganyihiin gudaha Magaalada Ciidankii Ahlu-sunna iyo Maleeshiyadii la socotay ay Magaalda ka baxeen.

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayan in Ciidanka Galmudug ay Hada ku suganyihiin Inta u dhaxeysa Deegaanka Godinlabe iyo Mareerguur Halkaasi oo ay ku sugnaayen Ciidanka Ahlusunna.

Saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa Hada ku sugan Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud waxaana Hada Magaalada ka jira Xaalad Degenaasho ah.

Dhinaca kale warar Hoose oo aan Heleyno ayaa sheegaya in Sargaalkii Horkacaayay Ciidanka Galmudug kula Dagaalamay Deegaanka Godinlabe oo lagu Magacaabo Cabdi Afweyne.

Isku soo dhiibada Sargaalkaan ayaa timid ka gadaal markii dadaalo ay sameeyeen Odayaasha Cadaado lagu guuleystay in Sargaalkii Hogaaminayay Maleehsiyadii Godinlabe uu isku dhiibay Galmudug.

Cabdi Afweyne ayaa la sheegaay in uu Hada kamid Noqononaayo Maamulka Galmudug ksuoo Biiristiisana waxey qeyb ka tahay Dadaalo Nabadeed ee ka socda Gobolka iyo guud ahaa Galmudug.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka