Animation

TOP NEWS: Dhageyso Sargaal sare oo la shaqeynaayay Safaarada Imaaraadka oo Goordhaw Muqdisho lagu dilay kadib Markii Gaarigiisa qarax loogu xiray

2 responses
Thursday November 24, 2016 - 10:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa laga helaya Qarax Goordhaw ka dhacay Isgooyska Maanaboolyo ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in Lala bartilmaameedsaday Sargaal sare oo la shaqeynaayay Safaarada Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ay ku leedahaya waxaana la sheegay in Qaraxa uu ku geeriyooday Sargaalkaasi.

Gaari uu watay sargaalkaasi ayaa Qaraxa loogu xidhay waxaana uu kula qarxay xili uu maraayay Isgooyska Maana-boolyo .

” Gaariga uu watay Kursigiisa ayaa loogu xidhay qaraxa markuu Isgooyska Maanaboolyo marayay ayeyna la kacday Dhaawac ahaan ayaa goobta looga qaaday Kadib ayu dhintay sidaan Maqlay ayuu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Dagmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Axmed Muumin Guddoomiyaha Dagmada Shibis ayaa sidoo kale xusay in qaraxa uusan qasaaro kala geysan balse Ninkii gaariga watay ee Sargaalka ahaa uu kaliya ku dhintay.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka