Animation

TOP NEWS: Dhageyso Safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaliya oo Ka Hadlay Dhaqaalaha ay Bilwaliba siiyaan Dowlada Federaalka iyo Saldhig milatari oo la sheegay in Muqdisho ay Ka furanayaan

no responses
Saturday November 5, 2016 - 11:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar oo Wareysi Dhinacyo Badan taabanayay siiyay Laanta Afka Soomaliga ee VOA ayaa waxa uu ka Hadlay arimo xasaasi ah .

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar  ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin waxkama jiraan , islamarkaana aysan jirin Saldhig uu Turkigu uu leeyahay oo ku yaalla Magaalada Muqdisho , Waxa uuna sheegay oo keliya in Magaalada Muqdisho ay ka furanaayaan xero loogu tala galay in lagu tababaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Mar wax laga weydiiyay Dhaqaalaha Dowlada Turkiga ay soomaliya siiso Bilwaliba ayuu Safiirka ku sheegay in Xukuumadda Ankara ay Dowlada federaalka siio Bilwaliba Lacag gaareysa 2 Milyan oo Dollarka Mareykanka.

Safiirka wuxuu sheegay in Dowlada Turkiga ay Taageero balaaran a garab taagantahay shacabka iyo Dowlada Soomaliya oo Walaaladeen ah sida uu sheegay safiirka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Safiirka oo Af Soomali lagu Tarjumay