Animation

TOP NEWS: Dhageyso Raisul Wasaare Sharmaarke oo Shir Jaraa’id ku Faah faahiyay Heshiiskii 2009-ki ay la galeen Kenya iyo Muranka Badda

no responses
Thursday September 22, 2016 - 1:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Raisul wasaaraha Xukuumada Soomaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa Maanta Saxaafada waxa uu shir Jaraa’id ugu qabtay Madaxtooyada Garoowe ee Puntland isagoona saxaafada kala hadlay Arinta Muranka Bada la xiriirta.

Cumar C/Rashiid ayaa sheegay in Arrinta Badda ay Magac ku raadsanayaan Shaqsiyaad Xildoon ah islamarkaana doonaya in ay Magac dilaan Xukumaddii aan Hogaaminayay Sanadkii 2009.

Raisul Wasaaraha ayaa ka hadlay Heshiiska MOU ee Kenya ay la galeen wuxuuna heshiiskaasi ku sheegay mid soomaliya Dan weyn ay ugu jirtay Maadama Watqigaas lagu wargaliyay dowladii xiligaas jirtay in dhul badeedka soomaliya uu qatar ku suganyahay.

Sharmaarke wuxuu heshiiskii 2009-kii ay la galeen Kenya ku Macneeyay Mid soomaliya ay Faaido badan ay ku heshay wuxuuna cadeeyay in Heshiiskaasi ay kusoo dhiciyeen dhul badeed weyn oo soomaliya dhulkeeda lagu soo daray.

Mr Sharmaake wuxuu kutilmaamay in dano Siyaasadeed loo adeegsanayo hadda dacwadda socota, wuxuuna cadeeyey in lacagta ku baxayso Dacwadda hadda hortaala Maxkamadda ICJ ay bixisey Xukuumaddiisu.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraai’d oo Dhameystiran.