Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Qodobadii ka soo Baxay Kulan Xasaasi ah oo Kismaayo ku Dhexmaray Jubbaland iyo Qaramada Midoobay….

-Madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Saraakiil ka tirsan xafiiska UNHCR ee Soomaaliya,ayaa isla gartay in xayiraadda laga qaado ku dhowaad 2000 oo Qaxooti ah kuna xannibnaa xeryaha Dhadhaab Kenya, kuwaasoo doonayay iney dib ugu soo laabtaan Soomaaliya 20 meeyo Sano ka dib.

Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan joojiyay soo celinta Qaxootigan, ka dib markii sida ay sheegeen looga baxay heshiis horay loola galay oo ahaa in Qaxootigan lasoo celinayo laga saacidayo dhammaan tasiilaadka ay u baahan yihiin oo ay u horreyso dib u dejinta.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamed (Suldaan Luga dheere) ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan heshiiskan ay Labada dhinac wada gaareen isagoo intaa raaciyay in is Afgaradkani uu yahay hordhac balse ay u harsan yihiin wada xaajood kale si loo sii turxaan bixiyo.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland

Related posts

Dhagayso+Sawiro:- Madaxda Wasaarada Deegaanka Puntland iyo UNDP oo kormeeray Biyo xireenka Dangoroyo

Tifaftiraha K24

DEG DEG :- Kenya oo ku dhaqaaqday talaabo ay uga argosanayso Dowlada Somalia.

admin

Booliska Oo Ka Digay Banaanbaxyadda Lagu Qabto Muqdisho.

admin