Animation

TOP NEWS: Dhageyso Heshiis Afar Qodob ka Kooban oo Maanta Caabud-waaq ku Dhexmaray Waxgaradka Beelihii Dhawaan ku dagaalamay Magaalada+Sawirro

one response
Saturday November 19, 2016 - 8:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Caabud-waaq Maanta waxaa ka dhacay Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo Jeeda Beelihii dhawaan ku dagaalamay Gudaha Dagmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud.

Kulankaan waxaa looga Hadlayay sidii loo Damin lahaa Colaada u dhaxeysa Beelaha walaalaha ee Magaalada ku wada Nool iyo sidii maleeshiyaadka loo kala Durjin lahaa.

Waxgaradka iyo Odayaasha ayaa waxa y ku Heshiiyeen Qodobo dhowr ah oo ilaa 4 Qodob Gaaraya.

Heshiiskaan oo ay Goobjoog ka ahaayeen Culumaa’udiinka waxgaradka ayaa waxaa Qodobadiisa kamid ah:

1- In Xabad Joojin la sameeyo Ciidamadana lakala qaado

2- In ay Nabad isla qaateen cidii labada beel kamaqana ay ogaysiinayaan

3- in Mudo 7 Maalmood ah Lagu qabto Shir looga hadlaayo Dhibaatadii Kala gaadhay Labada Beelood oo dhimasho iyo Dhaawacba leh.

4- in La Raadsho Cuqaasha Labada Beelood ka Kala Maqan Hadii aan Looga Maarmin Dhibaatadii dhacday.

Qodobaas ayaa Ugu waaweynaa Waxyaabihii Maanta ka soo baxay Kulankii Caabud-waaq ka dhacay.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Qodobada Lagu Heshiiyay oo Dhameystiran

 

fb_img_1479584573088 fb_img_1479584574957