Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Qaar ka mid ah Aradada Iskuulada Muqdisho oo Ku dhaqaaqay Arin Muhiim ah iyo Xildhibaanada Baarlamanka oo Bogaadiyay

Gudi ay ku mideysanyihiin Ardada Iskuulada Gobolka Banaadir ayaa isku xil qaamay in ay u gurmadaan Qoysaska Yamaniyiinta ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Deeq Raashin ah ayaa la gaarsiiyay Qoysaska ka so qaxay wadanka yaman ee ku Nool Magaalada Muqdisho waxaana Munaasabada deeqdaasi lagu gaarsiinayay ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsna Baarlamanka Federaalka.

Xildhibaan Ibraahim Saalax dayfullah oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka oo Kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahad celiyay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee isku xil qaantay in ay u gurmadaan walaalaha yamaniyiinta ee dalka soomaliya kusoo qaxay gaar ahaan qoysaska ku nool magaaladaMuqdisho.

Xildhibaanka waxaa uu xusay in wax lagu farxo ay tahay in shacabka soomaliyeed ay u gurmadaan qoysaska yamaniyiinta iyagoo gartay masuuliyada ka saaran walaalahooda ka soo qaxay colaada ka socota dalka yaman.

Fardowsa daahir Cabdi Raxmaan oo ka mid aheyd Ardada lacagaha iska soo uruurisay ayaa ka hadashay waxyaabaha ku dhaliyay in iyagaa oo arday ay isku xilqaameen u gar gaarida qoysaska Yamaniyiinta .

Halkaan Hoose ka Dhageyso Warbixinta

Related posts

Xiisad aad u kacsan oo Mandheera ka jirta kadib markii……………

admin

Kashifaad: Mareykanka oo si aan horey loo arag u bahdiley Madaxweyne Xassan Iyo RW Sharmarke.

admin

WAR CUSUB: Ra’iisul Wasaare Cumar oo uga Mahadceliyey Dawladda Talyaaniga Taageerada ay siinayso Soomaaliya +Sawiro

admin