Animation

TOP NEWS: Dhageyso Puntland oo Go’aan kale ka soo saartay Gawaarida ka yimaada Koonfurta Soomaliya

no responses
Saturday September 24, 2016 - 7:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay Fasaxday Gadiidka Xoolaha sida ee ka yimaada Deegaanada ka baxsan Maamulka Puntland.

Kulan dhexmaray Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland iyo Ganacsato ayaa lagu Joojiyay Go.ankii dhawaan ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cameey.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Camey ayaa sheegay in ay talaabadan u qaadeen oo kaliya Gawaarida sida xoolaha nool, wuxuuna sheegay in mudo sodon maalmood gudahood lagu hirgalin doono meel Saylad ah oo Xoolahaasi lagu xareyn doono.

Cameey wuxuu xusay in Weli Gaadiidka Badeecada wada ay ku kala wareegayan Galkacyo oo aysan u gudbi karin Deegaanada Puntland Balse Gawaarida Xoolaha sida ay u gudbi karaan Magaalada Boosaaso.

Puntland Horay ayey ugu dhawaaqday in ay gabi ahaan xirtay Xadka ay la wadaagto Gobolada Koonfurta Soomaliya Baabuurta Xamuulka ahna aysna usoo gudbi karin Deegaanada Puntland.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka