Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Nuxurka Qudbadii Madaxweyne Xasan Shiikh uu kula Hadlay dhalinyarada Soomaaliyed ee 15may U dabaal dageysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada iyo sannadguuradii 73-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii dalka.

“Maanta waxaan dib u xusuusaneynaa doorkii waddaninimo iyo geesinimadii ay muujiyeen dhalinyaradii SYL oo halgan dheer u galay sidii waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga. Waxaa maalintan ay ina xusuusineysaa in loo baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo si aan uga dhabeyno riyadii geesiyaashii SYL. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed iyo keygaba waxaan shacabka ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo nabadeynta, dib u dhiska iyo wadajirka Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Related posts

Top News: Maamulka Galmudug oo hadal ka soo saarey Arimaha Caabudwaaq, iyagoona sheegey in……………….

admin

TOP NEWS: K/galbeed oo Cawada ku dhawaaqday Go’aan ay Jubbaland horay u shaacisay…

Tifaftiraha K24

BREAKING: Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya oo Go’aan ka soo saartay Doorashadii Ku celiska aheyd ee Dalkaasi ka dhacday

admin