Animation

TOP NEWS: Dhageyso Nabad-doon Maxamad Haraa” Colaada Caabud-waaq Galmudug ayaa Hurineysa Waa in ay Ciidankeeda kala Baxdaa Magaalada Hadii kale…….

5 responses
Saturday November 5, 2016 - 7:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Dhawaan Magaalada caabdu-waaq ee Gobolka Galgaduud uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa Dagaalkaasi ka dhashay Qasaarao kala duwan oo Dhimasho iyo Dhaawacba leh.

Xiisada ka jirta Magaalada Cabudwaaq wa ay ka duwan tahay midii u dhaxaysay qabiiladii magaaladaasi ku dagaalamay Maxaa yeelay Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Ciidamo Badan ayey Magaalada usoo direen taasi oo sii Hurin karta Colaada Magaalada ka jirtay.

Hadaba si aan waxbadan uga ogaano Xaalada ka jirta Caabud-waaq iyo Ciidamada la sheegay in Magaalada ay gaareen waxaan Qadka Taleefanka Magaalada Cadaado  kula Xiriinay Nabad-doon Maxamad xuseen Jaamac Haraa oo kamid ah Waxgaradka Soomaliyeed Horayna usoo Noqday Korneel ka tirsnaaya Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed.

Nabad-doon Haaraa oo Wareysi Dhinacyo Badan taabanayay Siiyay Shabakada Kismaayo24.com ayaa wuxuu Marka hore ka Warbixiyay Xaalada Magaalada Caabud-waaq  iyo Xiisada Hada ka taagan isagoona shaaciyay in Caabud-waaq Dhibaato kulul lagu haayo oo ay jiraan dad doonaya in Magaalada ay noqoto Goob Dagaal.

Wuxuu Eedeyn u jediyay Maamulka Galmudug iyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo la sheegay in Ciidamo badan ay Magaalada soo dhoobeyn taasi oo uu Nabad-doonka ku sheegay in ay Sababi karto Dagaal Labada Ciidan dhexmara.

Nabad-doonka wuxuu sheegay in Ciidamado Badan ay Hada ku suganyihiin Magaalada banaankeeda Isagoona Xusay in Maleeshiyaadkii Horay magaalada uga dagaalamay ay labada dhinac la kala safteen.

Maamulada Galmudug iyo Ahlusnna ayuu uga digay in Colaada Daba dheeraata ay ka Abuuraan Magaalada Caabud-waaq wuxuuna ugu baaqay in Ciidamadooda ay Magaalada kala baxaan .

Ugu Dambeyn Nabad-doon haara ayaa Baaq u diray Waxgaradka Odayaasha dhaqanka iyo Masuuliyiinta Labada Maamul in si wada jir ah loogu dhaqaaqo in Magaalada Caabdu-waaw uusan Mardambo ka dhicin Dagaal dhiig Badan ku daata.

Hadaba Wareysiga oo Aad u xasaasi ah Isagoo dhameystiran Halkaan Hoose ka Dhageyso