Animation

TOP NEWS: Dhageyso Nabad-doon haaraa oo Sheegay in C/Kariim Guulled iyo Xaashi Carabey ay Boob ku haayaan Kuraasta Aqalka Hoose ee Beesha Sade Digniin Culusna hawada u mariyay

one response
Tuesday November 29, 2016 - 8:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo meel gabo gabo ah ay marayaan Doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Galmudug ayaa waxaa sii kordhaya Cabashada ka imaaneysa Kuraasta Beelaha qaar ee Maamulka Galmudug.

Beesha Sade oo kamid ah beelaha daga Deegaanada Galmudug Islamrkaana Kuraas badan ku leh aqalka Hoose ayaa waxaa Mudooyinkii ugu dambeeyay Beesha ay la kulmeysay Musuq maasuq xoogan oo lagu sameeynaayo Saamigii beesha kaga soo aaday Xubnaha Galmudug ay ku leedahay  Baarlamaanka soomaliya.

Guud ahaan Beesha Sade waxaa Aqalka Hoose kaga soo aaday 14 Kursi waxaana loo qeybiyay Dhamaan beelaha ku abtirsada Beesha sade.

Beelweynta Celi waxaa ay ku abtirsataa Beesha sade waxaana Aqalka Hoose kaga soo aaday 1 Kursi waxaana Kursigaas beesha kusoo aaday ka taagan Muran xoogan oo Beesha laga galiyay Xubintaas ay aqalka Hoose ku leedahay.

Waxgaradka iyo Ergada Beesha oo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in Maamulka Galmudug uu doonaayo in kursiga Beesha ay duudsiiyaan oo Beel kale ay kursigaas kusoo baxdo.

Beesha Reer Siyaad xuseen ayey Galmudug la dooneysa sida la sheegay kursiga ay Aqalka Hoose ku leedahay Beelweynte Celi.

Nabad-doon Maxamad xuseen Jaamac  Haraa oo kamid ah Waxgaradka Soomaliyeed kana tirsan Beesha Sade ayaa waxa uu si kulul uga hadlay Dhibaatada Maamulka Galmudug ay ku wadaan Kursiga ay Beelweynta Celi ku leedahay Aqalka Hoose.

Nabad-doonka ayaa si gaar ah Eeda dusha uga saaray Madaxweynaha Galmudug C/kariim Guulled iyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamad Xaashi Carabey wuxuuna sheegay in Labadaas masuul ay Kursiga Beesha ay ku laheyd aqalka Hoose ay la doonaya Xubno ka tirsan Beesha Reer Siyaad Xusein.

Wuxuu Carabka ku dhuftay in Masuuliyiinta Galmudug ay doonayan in ay iska hor keenan Beelaha Sade Maadama buu yiri beel aan kursiga laheyn ay la doonaya in Xubin ka siiyaan Aqalka Hoose ee Galmudug.

Wareysi dheer oo Kismaayo24 ay la yeelatay Nabad-doon Haaraa ayuu Arimo Xasaasi ah kaga hadlay

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga