Animation

TOP NEWS: Dhageyso M/Weynihii Hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo Afka Furtay Digniin Culusna u diray Puntland… ( Tollow Muxuu sheegay?? )

no responses
Wednesday September 7, 2016 - 8:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynihii hore ee Dowladda Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa Eedeyn kulul u jeediyay Maamulka Puntland.

Caalim wuxuu Sheegay in Maamulka Puntland ay dooneyso in ay Kala Xir xireen Gobolada Dalka isagoona sheegay in Puntland hadii ay xirato Xadka Galmudugna ay xiraneyso.

Caalim wuxuu yiri” Reer Galkacyo waxaan leeyahay iyo Gobolada Dhexe Boosaaso iyo hargeysa iyo Muqdisho Xamar Isku Mid bey u jiraan 750km ayey u wada jiraan Hadii aad ka deyn weydaan Cuna qabateynta iyo Xuduud xerida  Aad Sameyneysaa Xuduuda Waala wada Xiraya Amnigana wuusii xumaanaya”. ayuu Yiri Caalim.

Madaxweynihii Hore ee Galmudug ayaa ku ugu baaqay Puntland in ay dhowrto daris wanaaga iyo walaaltinimada.

Halkaan Hooseka Dhageyso Codka Maxmaad Axmed Caalin

Facebook Comments